Published On: Fri, Jul 8th, 2016

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu maxkamadeeyay Dalka Jarmalka

jarmalka

 

Maxkamad ku taalla Dalka Jarmalka ayaa Xukuno kala duwan ku riday 5 Ruux oo ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku soo mid noqdeen Xarakada Al Shabaab.

Maxkamada Sare ee Gobolka ee Magaalada Frankfurt  ee Dalka Jarmalka ayaa ku riday Muwaadiniintan Soomaaliyeed xukuno u dhaxeeya  3 Sano iyo bar ilaa iyo 5 Sano  kadib markii lagu helay in ay tababaro kala duwan ku soo qaateen Xarumaha Al Shabaab.

Warxafaadeed ka soo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in Dhalinyaradan Soomaaliyeed oo markii hore ku noolaa Magaalada Bonn ay u safreen Dalka Kenya sanadii 2012-kii, islamarkaana halkaasi ay ka sii aadeen Dalka Soomaaliya.

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay wadi waayeen Dagaalka ama howlgallada Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan Dalka Jarmalka.

Xukunka Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxuu imaanayaa maalmo un kadib markii Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu tuhmay Xarakada Al Shabaab lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Frankfurt ee Dalka Jarmalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300