Published On: Fri, Jul 8th, 2016

Ciidamada DFS iyo AMISOM oo ku wajahan Degaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo

ceel-cade

 

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Xoogaga Dowladda Itoobiya ee AMISOM ay dhaq dhaqaayo Ciidan oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro Degaano dhaca Gobolkaasi.

Ciidamada Huwanta ayaa dhaq dhaqaayadan waxey ka wadaan Magaalada Baardheere waxaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Ilo Degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada ay doonayeen in ay la wareegaan Degaanka Ceel-cadde oo qiyaas ahaan 60Km u jirta Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

15-ka bishii January ee Sanadkan ayaa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa waxey Xarakada Al Shabaab ku qaadeen Xerada Ciidamada Kenya ay ku la haayeen Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300