Published On: Thu, Jul 7th, 2016

Taliyaha ciidamada Xooga dalka oo faray ciidamada inay ka feejignaadaan weerarada Shabaabka

taliyaha

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Generaal Maxamed Aadan Axmed, ayaa ciidamada Xooga dalka Somaliya wuxuu kaga digay weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay Shabaabka mar kasta inay qorsheynayaan inay dhibaateeyaan ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo shacabka Somaliyed, isaga oo kula dar daarmay ciidamada inay galaan feejignaan dhanka ammaanka ah.

“Waxaan farayaa dhammaan Ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan Argagaxisada arxanka daran ee ujeedkoodu yahay in ay sumacadda ka dilaan Diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah ee aaminsan.”Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Xooga dalka.

Isaga oo hadalka siiwata Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa ciidamada Xooga dalka inay u diyaarsan yihiin ka hortagga weerarada cadoowga iyo sidii loo naafeyn lahaa.

“Ciidanka waxa uu ciidan u yahay inay ka hortagaan cadowga doonaya inay dhameeyaan shacabka Somaliyed, dalkana ay ka difaacaan.” Ayuu warkiisa raaciyay Taliye Maxamed.

Generaal Maxamed Aadan Axmed ayaa sidoo kale ciidamada Xooga Somaliya meel kasta oo ay joogaan wuxuu u diray hambalyada ku aadan Ciidul Fidriga.

Al Shabaab ayaa dhowr mar weeraro qorsheysan oo Askar badan oo Millateriga ka tirsan, waxa ay ku qaadeen ciidamada Xooga dalka Somaliya, sida weerarkii Laanta Buuro iyo Weerarkii ka dhacay Runirgood

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300