Published On: Thu, Jul 7th, 2016

Madaxweynaha Jubaland oo sheegay inta Qabyaalad jirto aan laga adkaan karin Al-Shabaab

Jubbaland1
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayey sida ay Soomaaliya ku yeelan karto ciidan Qaran ayaa qabyaalada ku tilmaamay ‘Asnaam’ ay dadka Soomaaliyeed caabudaan, inta ay qabyaaladu jirtana aan laga adkaan doonin Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa soo jeediyay Talo ah  in dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed lagu saleeyo hab deegaan, isagoo ku baaqay in Saraakiil cusub oo qabyaalada ka madax banaan bud dhigna looga dhismaha ciidan Qaran oo ay Soomaaliya yeelato.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Saraakiisha duqowday in ay saameyn ku yeelatay qabyaaladu isla markaana loo baahan yahay saraakiil yar yar oo wax baratay

“Waxaan u baahanahay saraakiil yaryar oo hadda wax baratay oo niyad fiican leh oo saafi ah oo xor ka ah qabiilka in la helo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ugu baaqay dadaalka badan ee ay galinayaan siyaasada in loo weeciyo dhismaha ciidanka Qaran, Wuxuuna soo jeediyey qorista ciidanka in lugu saleeyo hab-deegaan.

Sidoo kale waxaa walaac ka moojiyey darajooyinka ciidamada. Wuxuuna sheegay in aysn jirin wax tixraaca ah oo lagu garan karo darajada ciidamada laga safay xiligii burburka.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyey Shirjaaraa’id oo uu saxaafada ugu qabtay aqalka Madaxtooyada ee looga arimiyo Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbalaand, Ka dib tukashadii salaada Iidu Fitriga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300