Published On: Thu, Jul 7th, 2016

Kenya oo sheegtay inay dalkeeda ku dishay Sarkaal Shabaab ka tirsan

WAR-DEG-DEG-AH2
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay toogteen Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, kaasi oo lagu dilay Gobolka Xeebta ee dalkaasi.

Sargaal ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in ninka la dilay lagu magacaabo Jumca Muxamed Jakarta oo loo yaqaan Modi Tulia.

Ninkaan ayaa u dhashay dalka Kenya, laakiin wuxuu ka tirsanaa Xubnaha Shabaabka uga howlgala deegaanka Kwale ee dalkaasi Kenya.

Booliska waxa ay sheegeen markii ay dileen Sarkaalkaasi kadib in ciidamada ay hooygiisa ka soo saareen Bam gacmeed.

Jakarta ayaa dhawaan la sheegay inuu tababaro sare ku soo qaatay dalka Somaliya, oo ay soo taba bareen Al-Shabaab.

Gabar la noolayd Jakarta iyo waliba walaalkiis Majid Akiba Miwa oo ku noolaa guri aan ka fogayn ayaa Ciidamada Booliska ay soo qabteen, markii uu dhamaaday howlgalka ninkaasi lagu dilay.

Xubno badan oo Kenyan ah oo Shabaab ka tirsan ayaa ka howlgala gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo fuliyay weerarada Shabaabka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300