Published On: Wed, Jul 6th, 2016

Tobanaan Maxaabiis ah oo lagu cafiyay Munaasabada Ciida awgeeed

Maxaabiis-Xabsiga-Jowhar-4

Maamul Goboleedyada Dalka ka jira qaarkood sida Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa siyaabo kala duwan cafis ugu fidiyay tobanaan maxaabiis ah oo ku xirnaa Xabsiyada Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxey sheegeen in la sii daayay ku dhawaad 20 Maxaabiis ah, kuwaasi oo ku xirnaa Xabsiga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Sii deynta Maxaabiistani ayaa timid kadib markii munaasabada Ciida awgeed uu ku cafiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, sida ay sheegeen Mas’uuliyiintaasi.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Idaaacadda Shabelle ayaa sheegay in cafis loo fidiyay in ka badan 10 maxaabiis kuwaasi oo ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Maxaabistan ayaa lagu sii daayay cafis ka yimid Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shalay ayee aheyd markii Maamulka Gobolka Sh.Dhexe uu cafis u fidayay ku dhawaad 10 Ruux kuwaasi oo ku eedeysanaa dabiyo kala duwan

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300