Published On: Wed, Jul 6th, 2016

Dagaal Culus oo ka qarxay Magaalada Cadaado

c

Ugu yaraan 2 Ruux ayaa ku dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii maanta Dagaal Culus uu ka qarxay Magaalada Cadaado ee Xarunta Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad daacad u ah mid ka mid ah Ganacsatada Khaadka u soo daga ay Weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Galmudug kuwaasi oo diiday in Magaalada gudaheeda Khaad la soo geliyo maadaama weli ay socoto Munaasabada Ciida.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka culus oo labada dhinac ay isku ridayeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay Dagaalkaasi waxaana ay sheegeen in ay ku dhinteen 2 Ruux, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray 3 kale.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo badan la geeyay Saldhiga Booliska Degmada Cadaado kadib markii Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay dib u laabteen.

Xaalada Magaalada ayaa daggan inkastoo laga cabsi qabo in halkaasi uu markale iska horimaad ka dhaco maadaama Booliska Maamulka Galmudug uu diiday in Khaad la soo geliyo Magaalada Cadaado.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300