Published On: Tue, Jul 5th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Magaalada Madina ee Dalka Sacuudiga

CmimeGXWIAAnbb3Ugu yaraan 4 Ruux oo ka mid ahaa Saraakiisha amaanka ayaa dhintay, 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay oo ka dhacay banaanka Masjidka  Nabi Muxamed صلّى اللّه عليه و سلّم  oo ku yaalla Magaalada Madina ee Dalka Sacuudiga.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay Qaraxaan Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalkaas.

Sawiro iyo Muuqaalo lagu soo baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay qiiq iyo olol ka imaanayay halka uu ka dhacay Qaraxaasi.

Qari Ziyaad Patel oo 36 jir ah kana soo jeeda Dalka Koonfur Afrika oo ku sugnaa Masjidka ayaa waxuu sheegay in uu maqlay Qarax culus oo gil-gilay masjidka.

Dhinaca kale, labo Qarax ayaa ka dhacay meel u dhow Masjid kale oo ku yaalla galbeedka Magaalada Qadiif ee Dalka Sacuudiga, sida laga soo xigtay Dadka Degaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa uu fuliyay Nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa kaasi oo isku miidamiyay banaanka Masjidkaasi oo ay gacanta ku hayaan Shiicada.

Waxaa ay tilmaameen in jirka dad go go’ay ay daadsan yihiin dhulka.

Qaraxyadan ayaa imaanayaa saacado un kadib markii Qarax kale oo ismiidaamin ahaa uu ka dhacay nawaaxiga Qunsuliyada Dalka Mareykanka ee Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxyadan balse Ururka Daacish ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada Weerarkii ka dhacay banaanka Qunsuliyada Dalka Mareykanka ee Magaalada Jiddah.CmimeGXWIAAnbb3 13612149_1219345388118335_9163970508387934251_n CmimatpWIAEQb4N Cmimc65WgAEeCbg

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300