Published On: Tue, Jul 5th, 2016

Booliiska dalka Kenya oo heegan la geliyay

1363355
Ciidanka ammaanka dowladda dalka Kenya ayaa heegan buuxa la geliyaya ka dib markii ilaha sirdoonka dalka Kenya ay sheegeen in dalka Kenya ay ku soo wajahan yihiin weeraro culus oo ay Al-Shabaab ka geystaan dalkaasi.

Degmooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya ayaa lagu amray ciidanka ammaanka in ay adkeeyaan amniga ,islamarkaana ay baaraan dadka soo galaya iyo sidoo kale kuwa ka baxaaya.

Meelaha ugu badan oo ciidanka dowladda Kenya heeganka la geliyay ayaa waxaa ka mid ah Jasiirada Lamu ee dalka Kenya ,halkaas oo ay saakay ciidanka kenya ay ka wadaan howlgal balaaran.

Taliyaha Lamu Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in ciidanka ammaanku ay wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo lagu tuhmaayo gudaha Lamu.

“ Waxaan na soo gaaray warbixin Sheegaysa in ay Shabaab qorshaynaayeen in ay weerar ka geystaan Lamu Marka ciidanka heegan ayaa la geliyay si layska difaaco weeraradaasi ay soo sheegeen ilaaha Sirdoonka dalkeena” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Jasiirada Lamu Cabdulaahi Aadan

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300