Published On: Mon, Jul 4th, 2016

Rag ka tirsan Shabaab oo gudaha u soo galay Degmada Baled Xaawo

balad xaawo

Rag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la soo wariyay inay gudaha u soo galeen Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, sida ay cadeeyeen Saraakiisha ciidamada ammaanka Degmadaasi.

Xubnaha Shabaabka ka tirsan ee gudaha u soo galay Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa lagu sheegay labo ruux inta ay ka war hayaan Saraakiisha dhanka Nabadgelyada ee Degmadaasi.

Saraakiisha dhanka ammaanka ayaa sheegay inay wadaan howlgalo lagu baadigoobaayo raggaasi ka tirsan Shabaabka si aysan u geysan falal lidi ku ah dhanka ammaanka, sida uu sheegay Taliyaha Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmadaasi Xuseen Aadan Dhaqane.

“Labo ka mid ah nimankii nabad diidka ah ayaan maqalnay in magaalada ay soo galeen iyagii ayaan raadineynaa, dhinaca kale howlgallada maalmahan waan wadnay sababtoo ah nabad diidku magaaladii bay qas ku wadaan.” Ayuu yiri Taliyaha.

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale sheegay ciidamada ammaanka inay raadinayaan gaari nooca gurmadka deg dega oo rag ka tirsan Ururka Al Shabaab la sheegay inay ka kaxeysteen Degmada Baled Xaawo.

“Ciidamada waxa ay sidoo kale raadinayaan gaari Ambalaas ah oo Degmadan Baled Xaawo laga afduubtay oo nimanka nabad diidka ay afduubteen.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Taliyaha.

Al Shabaab ayaanan ka maqneyn Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom iyaga oo halkaasi ka geysta dilal qorsheysan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300