Published On: Mon, Jul 4th, 2016

MAGACYADA: Dad lagu Gowracey Gobolka Gal-gaduud, kadib markii ay….

 Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa deegaanka Galcad ay isaga baxeen, ayna halkaasi la wareegeen Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Markii Alshabaab ay gaareen deeganadaasi ay dhowr qofood ku gowraceen, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan xiriir la sameyneynay.

Deegaanka lagu magacaabo Ceel Hareeri ayaa lagu soo waramayaa in inta la xaqiijiyey hadda la gowracey sedex qofood oo sida la sheegay dadka deegaanka ahaa.

Qof Dadka deegaanka ka tirsan oo aan la xiriirney oo diidey in magaciisa loo adeegsado warbaahinta sababo amaanka ah dartiis ayaa xaqiijiyey in dadka la gowracey uu ka mid yahay Nin odey ah oo deegaanka aad looga yaqaaney, laguna magaaabi jirey Xasan Maxamed Aw-Cali, sidoo kale wuxuu sheegay in Hal magac uu ka yaqaano, kana mid ah dadka deegaanka, lana oran jirey C/Salaam uu ka mid yahay dadka la diley. Halka Qofka kale uu sheegay in uusan magac ahaan aqoonin, balse dadka deegaanka uu ka mid ahaa.

Si kastaba, Ma jirto Hadal si rasmi ah uga soo baxay Alshabaab oo ku aadan dadkaasi la sheegay in la gowracay.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300