Published On: Sun, Jul 3rd, 2016

Sarkaal Milatariga Soomaaliya ka tirsan oo lagu dhaawacay Galgaduud

galgaduuda

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa shegaya in dablaey hubeysan ay ku dhaawaceen sarkaal ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya inta u dhaxeysa Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado ee Gobolkaaasi.

Sarkaalkaan dhaawacmay oo lagu magacaabo Cabdiweli Siyaad ayaa waxa uu yimid dhaawaciisa kadib markii ay kooxo hubaysan weerar ku soo qaadeen Gaari uu la socday oo marayey deegaanka Meerqalaf oo u dhaxeeya degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado kadibna ay rasas ooda kaga qaadeen garigaasi.

Wararka ay Shabelle helayso ayaa sidoo kale sheegaya in gaariga uu saarnaa sarkaalka ka yimid Caabudwaaq islamrkaana uu ku sii jeeday degmada Cadado ee Gobolka Galgaduud.

Ilo xog ogaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dhaawaca sarkaalka la soo gaarsiiyay Magaalada Cadaado kadibna looso gudbiyay Magalda Muqdisho si loo dabiibo dhaawaciisa.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha maamulka Galmudug,iyo Ahlusuna oo ku aadan sarkaalka la dhaawacay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa saraakiil ka tirsan milatariga dowladda Soomaliya waxa ay dhaqdhaqaaq militari iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah xarakada Al Shabaab ay ka wadeen Magaalada Cadado ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300