Published On: Sun, Jul 3rd, 2016

Ciidanka Nabad Suggida oo qabtay gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa

4-2

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdishi ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo sidoo kale hub.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa xalay Xaafadda Saybiyaano Degmada Hodan ay u suurta gashay in ay ka soo qabtaan Gaari ay saaran yihiin Hub iyo Walxaha Qarxa.

Wakaalada ku hadasha afka dowladda ee lagu magacaabo SONNA ayaa sheegtay in Gaari ay ciidanka dowladda Soomaaliya soo qabteen ay saarnaayeen hub aad u farabadan.

Hubka lagu soo qabtay Gaariga ayaa waxaa ka mid ah Garneelada Garabka laga Tuuro, Qoriga AK47.

1 i

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300