Published On: Sat, Jul 2nd, 2016

Masuuliyiinta Jubbaland oo fakiyay Xubno Daacish ka tirsan

daacish

Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho  in  ay jiraan Tuhunno Howlgalka Maraykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo (Africom) uu ka qabo Masuuliyiinta sar sare ee maamulka Jubbaland in ay u suura galiyeen in ay baxsadaan Saraakiil sar sare oo Daacish ka tirsan kuwaas oo ku sugnaa deegaanada Jubbooyinka ee maamulkaas uu ka arrimiyo.

Xubnaha Tuhunkaan loo heysto waxaa ku jira Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe )- , Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaas, Saraakiil sare oo uu ugu horreeyo Taliyaha Nabad Sugida maamulkaas oo hadda lagu xiray Magaalada Jig Jiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Saraakiisha Daacish ee la fakiyay ayaa gaarayay illaa 7 xubnood oo naftooda kala baxsanayay Al Shabaab oo ay ka baxeen kadib markii ay ku biireen Daacish.

Maadaama xubnahaasi ay qatarro ka soo food saarayeen Al Shabaab sida wararku tilmaamayaana ayaa waxa ay xiriiro la sameeyeen Masuuliyiinta maamulka Jubbaland gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Waxaana Axmed Madoobe oo siiyay Magan galyo uu ku wareejiyay Taliska  Nabad Sugida maamulkiisa kuwaas oo dajiyay Warshadii hore ee Hilibka oo hadda saldhig Ciidan u ah Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Maraykanka oo saldhig Qarsoodi ah iyaguna ku leh Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Maraykanka Saraakiishooda ayaana Masuuliyiinta Jubbaland ka dalbaday in loo soo gacan geliyo Xubnahaasi.

Hase ahaatee  Masuuliyiinta Jubbaland ayaa  markii ay ka war heleen in dhaq dhaqaaqooda uu la socdo Maraykanka waxa ay habeen barkii doonyo ka saareen Dekedda Kismaayo  Saraakiishaasi Daacish ka tirsan.

Wararka qaar ayaa shegaya in Doonyahaasi ay ku xirteen Jasiiradda Gudhaa oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaashii Ururka Raaskaambooni oo weli daacad u ah Axmed Madoobe.

Saraakiisha ka socota Maraykabka ee Baarista Kiiskaan ku guda jira ayaa la wareegay illaa 300 Askari oo Jubbaland tababar ay ugu sameyneysay Warshadii Hilibka ee Magaalada Kismaayo.

Ma jiro wax hadal ah oo weli Masuuliyiinta Jubbaland iyo  Maraykanka ay ka soo saareen arrintaan.

Hase ahaatee Kiiskaan ayaa cirka isku sii shareeray iyadoona ugu dambeyn ay  Shabelle heshay Macluumaadkaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300