Published On: Sat, Jul 2nd, 2016

Madaafiic xoogan oo saakay lagu harqiyay Magaalada Baydhabo

de

Madaafiic xoogan, ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ay Magaaladu ku soo dhaceen in ka badan 15 xabo oo madaafiic ah.

Madaafiicdan, ayaa bilowday xilli inta badan dadka reer Baydhabo ay saxuurteen, qaarkoodna ayba afka ku hayeen, isla-markaana ay isu diyaarinayeen xilligii Salaadda Subax.

Madaafiicdan, ayaa ahaa kuwo ay daqiiqado u dhaxeeyen, waxayna dadka qaarkood ku khasbeen in ay dhismooyinka shubka ihi kaga gabadaan.

Mid ka mid ah dadka reer Baydhabo, ayaa sheegay in madaafiicdan ay ku socotay Magaalada 35 daqiiqo, dadkana ay aadi kari waayeen Masaajida.

Madaafiicda in ka badan 35 daqiiqo oo xiriir ah ayay nagu socdeen. Dad badan oo Masaajida aadi lahaa way ka baajiyen.” Ayuu yiri ninkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Qiyaastii 18 illaa 20 madfac ayaa ku soo dhacay Magaalada Baydhabo, waxaa la leeyahay agagaaraha Madaxtooyada madaafiic ayaa ku soo dhacday, xaafadda Isha, Xerada Tababarka Cali Salaamey, meelo kalana waa laga sheegaayay.”

Ninkan, ayaa intaa raaciyay “Hadda aan kula hadlaayo waxaan maqleennaa dhawaaqa baabuurta Ambulance-ka, waxaa fillayaa waxaa jira khasaaro dadka ka soo gaaray madaafiicdan.”

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Koonfur Galbeed, ayaan weli ka hadlin madaafiicda lagu harqiyay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300