Published On: Fri, Jul 1st, 2016

Dowladda Maraykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Kenya

17-06-16-17-6-16-10
Dowlada Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya oo ay sheegtay  inay ka dhici karaan  weeraro argagixiso.Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda  inay iska ilaaliyaan inay tagaan gobolka Lamu, Xaafadda Eastleigh iyo degmooyinka gobolka Waqooyi  bari.

Safaarada Maraykanka ee magaalada Nayrobi ayaa muwaadiniinta Maraykanka kula talisay inay booqan karaan magaalada Mombasa xilliga maalinti,  oo ay iska ilaaliyaan isticmaalka doonta looga gudbo gacanka badda ee magaalada Mombsa, sababo xagga ammaanka ah.

Hay’adaha Sirdoonka ee Maraykanka ayaa ka digay suurtagal-nimada Gantaalo dhulka laga rido dhulka oo lala beegsado diyaaradaha.

Maamulka diyaaradaha ee Maraykanka ee loo yaqaan FAA  ayaa howlwadeenada duulimaadyada Kenya uga  digay inay jirto cabsi weeraro lagu qaado danaha Maraykanka iyo wadamada reer Galbeedka.

Digniintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu amniga Kenya soo hagaagayo , oo dalxiisayaal badan ay imaanayaan Kenya kadib markii ay ka soo kabatay weeraro sababay dhimasho iyo burbur oo Al-Shabaab ay ka geysatay guddaha Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300