Published On: Thu, Jun 30th, 2016

Madaxweynaha Puntland oo maanta tagaya Magaalada Gaalkacyo

gaas

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta oo khamiis ah ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Safarka madaxweynaha oo aad loo hadal hayay ayaa la filayaa inuu ku saabsan yahay arrimaha ammaanka iyo isbadalo uu ku sameyndoonan masuuliyiinta maamulka iyo kuwo amniga oo qaarkood qirtay inay ku fashilmeen wax ka qabashada aminga Gaalkacyo.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo saraakiil ciidan ayaa madaxweynaha ugasii hormaray magaalada Gaalkacyo, si ay ugusii gogol xaaraan safarka madaxweynaha. waxaana magaalada ka socda howlgallo amniga lagusii xaqiijinayo.

Madaxweyne Gaas oo sanadkii hore wax badan kasoo qabtay  kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa laga sugayaa inuu qaado tilaabooyin badan oo lagu xoojinayo ammaanka gobolka, kadib markii dilal isdaba joog ah oo lagu qaarijiyay masuuliyiin dowladdeed iyo shacab ay ka dhaceen Gaalkacyo muddo saddex bilood gudaheed ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300