Published On: Thu, Jun 30th, 2016

Maamulka Somaliland oo lagu eedeeyay hurinta Dagaalo ka socda Magaalada Laascaanood

laascaanood-696x522

Wsiir ku xigeenka Wasarada Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo, Abshir C/casiis Sheekh oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Somaaliland ku eedeeyay hurinta Dagaallo ka socda Degaano hoostaga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wasiir Abshir ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Soomaaliland ay Ciidamo u soo direen Degaanada lagu kala magacaabo Dharkeen-Geenyo iyo Dhumay oo hoostaga Magaalada Laascaanood.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in colaada ka aloosan Degaanadaasi ay ku dhinteen in ka badan 80 Ruux, waxuuna carabka ku adkeeyay in colaadaasi ay u dhaxeysa Beelo Walaalo ah oo Soomaaliland gadaal ka soo riixeyso.

Dagaalkan oo dhawaan ka qarxay Degaanada hoostaga Magaalada Laascaanood ayaa waxaa Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo waxey dusha kaga tuureen Maamulka Soomaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300