Published On: Thu, Jun 30th, 2016

Daawo Al-shabaab oo soo bandhigay burburka Diyaarad Drone-ah

 7-1-17

Ururka Al Shabaab ayaa Deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ay ku soo bandhigeen Diyaarad Nooceeda uu yahay Drone, oo maalin ka hor ku soo dhacday deegaanka Balidul Amiin ee gobolkaasi.

Diyaaradan ayeey Al-shabaab sheegeen in ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka wax basaasa, xilligii ay soo dhaceysana waxa ay sheegeen Alshabaab in ay ku howlaneyd Diyaarada Basaasida deeganada Al-shabaab ay joogaan.

Bur burka Diyaaradan oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu hayaa Deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo Al-shabaab ay ka fureen Kaamirooyinkii ku xirnaa.

Goobta Al-shabaab Diyaaradan ay ku soo bandhigayeen ayaa waxaa isugu yimid qaar ka tirsan bulshada deegaanka Mubaarak oo daawanaayay Diyaarada.

Al-shabaab dhowr mar oo hore ayeey sidan oo kale gacanta ugu dhigeen Bur burka Diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan Diyaaradaha Drones-ka, ayaa waxaa isticmaala dowladda Mareykanka oo u adeegsata howlgalada gaarka ah.

1--2--3--4--

5--

9-1-126--

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300