Published On: Thu, Jun 30th, 2016

Amaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay

mogadishu-suicide-bombing_650x488_41424554911
Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidam, waxaana Wadooyinka qaar ee magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan kuwaas oo sugaya amaanka, iyadoo caawa ay ku beegan tahay xuska 1-da Luulyo.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameenayay Gaadiidka iyo Dadweynaha intaba,iyagoona Gaadiidka Raaxada ah ka Qorayay Tarigada ay wataan.

Hareeraha Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Calanka Soomaaliya oo ku xardhan irdaha goobaha Ganacsi ee ku yaala wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu weyneynayo 56 sano guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa caawa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Munaasabadan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300