Published On: Thu, Jun 30th, 2016

Al Shabaab oo sheegatay in ay Dileen in ka badan 5 Askari oo Kenyaan ahaa

Alshabaab-in-Kenya-5-696x434

Weerar xoogan oo mas’uuliyadiisu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab ayaa lagu qaaday Xero Ciidamada Militariga Dowladda Kenya ay ku leeyihiin  Jaziirada Lamu ee Dalkaasi.

Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 6 Askari oo ka tirsanaa Xoogaga Militariga Dowladda Kenya.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciidamada Dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay ka Dileen 4 Ruux, isagoona intaasi ku daray in uu jiro hub ay ka furteen Xarakadu.

Korneel David Abonyo oo ah Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa waxuu tilmaamay in Ciidamadu ay weerareen Guriga ay ku sugnaayeen Al Shabaab kadib markii xogtaasi ay ka heleen sida uu sheegay Dadka Degaanka.

Sikastaba, Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro ka geysata Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada qaar ee Dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300