Published On: Thu, Jun 30th, 2016

Al-shabaab oo 5 Askari nolosha ku watay,

Pepsi-plant-fire-600x337
Booyad Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay lahaayeen ayaa waxaa ay Xalay Dab lagu qabadsiiyay Degaanka Cabdow Dibile ee Gobolka Shabeellada hoose una dhaxeysa Xerada Laanta Buuro ee Ciidanka iyo Degmada Afgooye.

Booyadda oo Biyo ka dhaansatay Degmada Afhgooye ayaa sida ay wararku sheegayaan ku cilladowday Degaankaaso Cabdow Dibile Xalay Saqdii dhexe,waxaan Ciidankii ilaalinayay ay kaga tageen Booyadda shan ka mid ah Askarta iyaga oo aaday dhanka Laanta Buuro oo ay markii hore ka tageen.

Saacado kadib ayaa la sheegay in Ciidan ka tirsan Al-shabaab ay gaareen Goobta Booyaddana gubeen,iyaga oo halkaasi ka watay Shantii Askari ee ilaalada ka ahaa.

Ciidanka Dowladda ee ka soo baxay Xerada Laanta Buuro kadib Qaraxa ayaa waxaa ay tageen Goobtii ,waxaan aay la kulmeen Booyaddii oo gubatay iyo Askartii oo aan joogin,waxaana ay xaqiijyeen in Taleefanadoodu dansanyihiin.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa Mustaqbal Radio  u sheegay inaanan nolol iyo geeri midna lagu hayn askartaasi, teleefanadoodiina ay dansan yihiin, ha yeeshee ay shaki ka qabaan in Shabaabku ay horey u kaxeysteen.

Shanta askariga ee la la’yahay, ayaa xilligii looga tagaayay gaariga waxaa la joogtay saddex wiil oo dhalinyaro ah, kuwaa oo aanan hubeysnayn, waxaana looga tagey in ay wehliyan askarta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300