Published On: Wed, Jun 29th, 2016

Madaxweynaha Turkiga Oo Si Kulul u Cambaareeyay Weerarka Istanbuul

Recep Tayyip Erdogan
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa si adag u cambaareeyay kooxaha Argagixisada ee ka dambeeyay weerar isqarxin ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Ataruk ee magaalada Istanbul.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladda Turkiga tacsi u direyso ehelada dadkii ku dhintay weearka, sidoo kalana alle uga baryay in uu dag dag u bogsiiyo kuwa ku dhaawacmay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay, in u jeedka Argagixisadu uu ahaa in ay laayaan dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.

Erdogan, ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay dagaal adag la galeyso kooxaha argagixisada, ayna ku baacsan doonaan meel walba Argagixiso dunida kaga sugantahay, tan iyo inta caalamka oo dhan laga tirtirayo.

“Adduunka oo dhan hadii uusan dan ka laheyn la dagaallan argagixisada mid mid ayaan ula darireynaa argagixisada meel kasta oo ay adduunka ka joogaan”.ayuu yiri Erdogan.

31 ruux, ayaa ku naf weysay 147 kalana wey ku dhaawacmeen, Qaraxyada ka dhacay magaalada Istanbuul iyadoo Cisbitaalada magaalada la dhigay dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300