Published On: Wed, Jun 29th, 2016

Faah-faahin Dagaal dhimasho iyo dhaawac Sababay oo ka dhacay Galgaduud

dagaal

Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM oo Caawinaya Milatariga Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaab ayaa ka dhacay degaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan Toban Ruux sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Gacanta ku hayaan 7 kamid ah Ragga u dagaalama Al-shabaab oo dhaawacyo qaba islamarkaana la geeyay Degaanka Galcad ee isla Gobolka Galgaduud.

Al-shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku aadan in Dagaalka ka dhacay Galgaduud looga qabtay Maxaabiis Shabaab ah.

Dagaalka oo shalay galinkii dambe dhacay ayaa hadda ah mid degan Goobihii lagu dagaalamay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300