Ciidanka dowladda oo la wareegay degaanka Ceel-Hareeri
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-Hareeri oo ka tirsan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.
Wakaalada Wararka Soomaaliya ayaa baahisay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Ceel-hareeri.
Wakaalada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in 10 dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Shabaab lagu dilay dagaal shalay ka dhacay Ceel-hareeri 10 kalana ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowladda Soomaaliya.