Published On: Wed, Jun 29th, 2016

Ciidamada DF iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

hiiraan

Wararka aynu ka heleyno deegaanada Gacanlaw iyo  Ceeldheere oo qiyaas ahaan 40 kmu jira Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay tilmaamayaan in inta u dhexeysa labadaasi deegaan uu saacado ka hor dagaal xoogan ka dhacay.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii Dagaalyahanada Al Shabaab ay soo weerareen Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan oo ku sugan inta u dhexeysa Gacanlaw iyo  Ceeldheere  ee Gobolka Hiiraan.

Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray dagaal khasaaro saababay walow aan la cayimin xaddiga ka dhashay.

Ilo wareedyo ku sugan  meesha wax ka dhaceen ayaa Shabelle u xaqiijiyay in labada dhinac ay isweedaarsadeen hubka nuucyadiisa kala  duwan iyadoo si weyn ay dadka deegaanadaasi u maqlayeen daryanka hubka la isweedaarsanayay.

Col Maxamed Cumar Cabdulle Abaanduulaha Ciidanka dowladda ee Gobolka Hiiraan oo Shabelle uga warbixiyay dagaalkaas ayaa meesha ka saaray in dhankooda u  jiro khasaaro soo gaaray balse dhinaca Al Shabaab tilmaamay in ay khasaaro gaarsiiyeen.

Hase ahaatee ma cayimin xaddiga khasaarahaas uu sheegay in Al Shabaab ay ku gaarsiiyeen dagaalka maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Al Shabaab dhankooda weli kama hadlin dagaalkaasi maanta dagaalamayaashooda iyo Ciidanka dowladda ku dhexmaray Gobolka Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300