Published On: Tue, Jun 28th, 2016

Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliya oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

WAR-DEG-DEG-AH2
Korneyl Xasan Barre Raage oo ka tirsanaa Saraakiisha Militariga Somaliya, ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay weerareen niman bistoolado ku hubeysnaa.

Korneyl Xasan Barre Raage, ayaa waxaa uu dilkiisu ka dhacay xaafadda Nasteexo, iyadoo dembiilayaasha ay ka toogteen qaybaha kore ee jirkiisa.

Ugu yaraan laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa la sheegay in ay dilkeen Sarkaalkaasi, kuwaa oo dilka ka dib u suurtagashay in ay ka baxsadaan xaafadaasi.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir oo gaaray goobtii lagu dilay marxuumka, ayaa waxay ka sameeyen hawlgal, inkastoo aan la soo sheegin cid ay dilkiisa u soo qabteen.

Dadka deegaanka, ayaa kuu sheegaya in dilka Korneyl Xasan Barre Raage uu saamayn ku yeeshay dadka ku dhaqan xaafadda Nasteexo.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Somaliya, ayaa sheegtay masuuliyadda dilka Sarkaalkan, sida ay baahisay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka mintidiinta.

Al Qaacidada Somaliya, ayaa bishan barakaysan ee Ramadan kordhisay weerarada ay ka gaysanayan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300