Published On: Tue, Jun 28th, 2016

Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo la dhaariyay DAAWO (SAWIRRO)

Schwartz1

Safiirka cusub Mareykanka ee dalka Somaliya, Amb. Stephen M. Schwartz, ayaa Isniintii si rasmi ah loogu dhaariyay xilkaasi, ka dib markii uu soo magacaabay Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama.

Golaha Senate-ka Mareykanka, ayaa bishii May meelmariyay in Amb. Stephen M. Schwartz uu noqdo Safiirkii ugu horeeyay uu Mareykanku u magacaabo dalka Somaliya, in ka badan 25 sano.

Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa dhaariyay Danjiraha Mareykanka u fadhin doona Somaliya.

Stephen M. Schwartz oo dhaarinta ka dib hadal ka jeediyay goobta lagu dhaariyay, ayaa sheegay in la gaaray xilligii la dhisi lahaa ciidan xoogan oo Somaliya ay leedahay, si ay dalka kaga saaraan Ururka Al Shabaab.

Danjiraha waxaa uu Madaxda Somalidu uu kula taliyay inay dhisaan oo ay askumaan ciidan qaran oo la dagaalama Al Shabaab, si looga gudbo caqabadda ay ku yihiin dalka, sida uu yiri.

Waxaa uu qiray in Somaliya ay horumar muuqdo sameysay sanadihii ugu dambeeyay. Balse weerarada Shabaabku ayuu qeexay in ay liddi ku yihiin horumarka Somaliya.

Antony Blinken oo ka hadlay madasha, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maalintii Sabtida lagu qaaday Hotelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho, oo lagu dilay Allaha u naxariistee Wasiir Burci.

Antony Blinken, ayaa sheegay in Shabaabku ay isu deyayan in ay weeraradan isu hortaagaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliya.

Amb. Schwartz waxaa uu noqonayaa diblomaasigii ugu horeeyay ee loo dhaariyo Safiirka Mareykanka ee Somaliya, muddo 25 sano ah.

Schwartz  Schwartz2 Schwartz3Schwartz4

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300