Published On: Tue, Jun 28th, 2016

Ciidamada Somaliya oo ka qaybgalay Xuska Xoriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRRO + VIDEO)

Booliska-Somaliya3

Ciidamada Booliska Somaliya, ayaa waxay Magaalada Djibouti kaga qaybgaleen munaasabadda xuska 27-ka June, oo ah maalintii ay Jamhuuriyadda Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii cadaa ee Faransiiska. (27, June, 1977).

Ciidamadan oo ka kooban 220 askari, ayaa waxaa Khamiistii tababar u soo xiray Taliyaha Booliska Somaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Waxaana tababaray Saraakiil Booliska Talyaaniga ka tirsan, halka ay fududeysay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ciidamadu waxay ka kooban yihiin laba qaybood, oo kala ah Saraakiil iyo Saraakiil Ku Xigeeno, waxaana uu tababarkoodan qaatay muddo saddex bilood ah.

Ciidamadan waxay soo bandhigeen gaado ka ciyaar qurux badan, iyadoo Ciidanka Bambeeda Jabuuti ay u garaaceen Muusikada Astaanka Calanka Somaliya.

Sida aad ku aragtaanba muuqaaladan Ciidamada Booliska Somaliya, ayaa qaybteeda horkacaysa waxay wataan Calanka Jamhuuriyadda Somaliya, halka qaybta dambe ee daba guurinaysana ay sare u lulayso Calanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo munaasabadan ka qaybgalay, ayaa ka sheegay in Ciidanka Jabuuti ee ku sugan Somaliya, ay iyaguna ka qayb qaadan doonaan xuska 1-da Luulyo, oo kaabiga inagu soo hayso.

Madaxweyne Geele waxaa uu si kulul uu u cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee Sabtidii lagu qaaday Hotelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho.

Booliska-Somaliya Booliska-Somaliya1 Booliska-Somaliya3 Booliska-Somaliya5

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO GA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300