Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Xiisad ka taagan Magaalada Boosaaso

93_big
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas saakay ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa taliye ku xigeenkii Hore ciidanka Booliiska gobolka Bari Korneel Cabdicasiis Togax iyo sidoo kale madaxda maamulka Puntland u qaabilsan Boosaaso.

Korneel Cabdicasiis Togax ayaa muddo Saacdo ah waxa uu la wareegay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso oo ay ka mid tahay xarunta ciidanka Booliiska ee magaalada Boosaaso.

Xiisada ayaa ka dhalatay ka dib markii taliyaha ciidanka Puntland oo xilka ka qaaday taliye ku xigeenka arintaas ka biya diiday Cabdicasiis Togax.

Waxgaradka gobolka Bari ayaa ku guuleystay in ciidankii taliye ku xigeenka ay dib uga laabtaan xarunta Ciidanka Booliiska ee Boosaaso.

Gobolka Bari ayaa bilhii la soo dhaafay waxaa ka jirtay xiisad u dhaxeysa madaxda maamulka Puntland iyo sidoo kale ciidamo gadoodsan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300