Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle: Xiriir ayaa ka dhaxeeya Laamaha Amniga iyo Al Shabaab

salaad cali jelle

Isagoo wareysi siinayay Idaacadda Shabelle ayaa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxuu ka hadlay hadal heyn ku aadan in uu ku sugnaa Hoteelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho markii Al Shabaab ay weerarka ku qaadayeen.

Siyaasiga ayaa waxuu tilmaamay in hoteelka uu afur ku la haa xiliga uu ka dhacay Weerarka ismiidaaminta ee lagu qaaday Hoteelka, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 15 Ruux.

Salaad Cali Jeelle ayaa shaaca ka qaaday in xiriir uu ka dhaxeeyo Laamaha amaanka ee Dowladd Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab.

Waxuu qeexay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen weerarada halka nuuc ee ah Gaari lagu qarxiyo Hoteel kadib ay Koox hubeysan ay gudaha u gasho.

Sikastaba, Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka dalbaday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mas’uuliyada iska saaraan sugida amaanka Shacabaka ama ay xilka iska-casilaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300