Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Shan nin oo Ajaanib ah oo laga helay Xeebta Magaalada Kismaayo

breaking

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, Shan nin oo Ajaanib ah ayaa laga helay Xeebta Magaalada Kismaayo.

Shantaan Nin Ajaanibta ah ayaa laga soo qaaday Xeebta Magaaladaasi, iyaga oo aysan wanaagsaneyn Xaaladooda caafimaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Magaalada Kismaayo.

Nimankaan ayaa sheegtay inay yihiin Badmaaxiyiin u dhashay Jaziirada Comoros, islamarkaana dooni ay la socdeen Badweynta Hindiya ay kula qalibmatay, sidaasina xeebta ay ugu soo dhaceen.

Saraakiisha Booliska Magaalada Kismaayo waxa ay sheegeen inay geeyeen Shantaasi nin Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninaayo.

Booliska waxa ay sheegeen inay baarayaan jiritaanka warka ay sheegteen raggaan Ajaanibta ah ee Badmaaxiinta sheegtay, waxa ay ku hadlayaan Luuqada Faransiiska.

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo Dhacdo.com Taleefoonka kula hadlay ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin dalka ay u dhasheen raggaan Ajaanibta ah, balse ay baarayaan.

Xaaladooda caafimaad ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo hada ay jiifaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300