Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Howlgalo maanta ka socda magaalada Gaalkacyo

gaalkacyo141-620x330

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa wada howlgalo lagu baadigoobaya kooxihii dambeeyay dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay xilidhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Siciid Xeyle

Xilidhibaan Siciid Xeyle ayaa xalay Kooxo hubeysan waxay ku toogteen xaafada Garsoor ee magaalada ee xarunta gobolka Mudug waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay .

Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah xaafadaha inta badan ay dilalka ka dhacaan.

Maamulka gobolka Mudug ayaanan weli ka hadlin dilkan xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay Xildhibaan Siciid Xeyle oo kamid ahaa mudanayaasha Golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa faraha ka baxay waxaana lagu dilay intii lagu guda jiray bisha ramadaan madaxda ka tirsan Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300