Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Faahfaahinta: Dab ka kacay Degmada Howl Wadaag

dabkacay

Wararka inaga soo gaaraya caawa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in dab khasaare geystay uu ka kacay Guri ku yaala degmadaasi.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dabka markiisa hore uu ku bilowday koronto sidoo kalena uu baabi’iyey 5 Qol oo ku taalay Guriga.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag iyo Gaadiidka dab damiska ah si ay uga qeyb qaataan daminta dabka.

C/qani maxamed oo ka mid ah dadka la socday Gaadiidka dab damiska ah ayaa Idaacadda Risaala usheegay in lagu guuleystay daminta dabka sidoo kalena ay badbaadiyeen Hanti ay lahaayeen reerka Gurigaasi ku noolaa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300