Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Billado la guddoonsiiyay Ciidamada Qaramada Midoobe ka joogga Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Guuto8

Ciidamada Qaramada Midoobe ka joogga Magaalada Muqdisho, ayaa Axadii u dabaaldegay sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay joogitaankooda Somaliya.

Ciidamadan oo ka socda dalka Uganda, ayay hawshoodu tahay ilaalinta shaqaalaha Qaramada Midoobe ee rayidka ah iyo xerooyinkooda ku yaala Somaliya.

Munaasabad lagu qabtay Xarunta UNSOM ku leedahay Xarunta Xalane oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qaybgalay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, Ku Xigeenka gaarka ah ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Lydia Wanyoto iyo Ku Simaha Taliyaha Ciidamada Amisom, Major General Nakibus Lakara.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya oo ka hadlay madasha munaasabadda, ayaa ammaanay shaqada Ciidamadan, isagoona muujiyay in uu ku kalsoon yahay hawlahooda shaqo.

Wakiilka, ayaa sidoo kale sheegay in uu u amba bixi doono Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda, si uu Madaxweyne Yoweri Museveni ugu sheego shaqada wanaagsan, ay ka hayaan Somaliya.

“Waxaan qorsheeynayaa in aan aado Kampala oo aan u sheego Madaxweynaha Uganda, Taliyaha Ciidamada, siyaasiinta iyo madaxda sidaaad muhiim noogu tihiin aniga oo ugu mahadcelinaya adeegga aad inoo haysaan. Aad ayaad ugu mahadsan tihiin shaqadiina wanaagsan.” Ayuu yiri Michael Keating.

Amb. Keating, ayaa billad sharaf iyo shahaadooyin guddoonsiinayay Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobe, sababo ku aadan waxa uu ugu yeeray shaqo hufnaanta ay la yimaadeen.  Guuto Guuto1 Guuto3 Guuto4 Guuto7  Guuto9Guuto91Guuto92

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300