Published On: Mon, Jun 27th, 2016

Askari ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo toogtay Sarkaal sare

bistoolad

Askari ka tirsan ciidamada dalka Kenya ayaa toogtay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa ciidamadaasi, kadib markii sida la sheegay ay wada murmeen Sarkaalka iyo Askariga dilka geysanaayo.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Degmada Kigumo oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana la dilay Taliyihii Saldhiga Degmadaasi.

Askariga iyo Taliyaha oo wada murmay ayaa sababtay in Askariga uu ka dafo Taliyaha Bistooladiisi, kadibna uu Shan xabadood uu ku dhufto Taliyaha.

Askariga falka geystay ayaa durba meesha ka cararay markii uu horay u sii qaatay Bistooladii uu ku dilay Taliyaha, waxaana la sheegayaa in ciidamada Booliska ay wadaan baadigoobka Askarigaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska ee maamul Goboleedka Murang’a haweeneyda lagu magacaabo Naomi Ichami ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay dilka sarkaalka dhintay.

Mrs Ichami ayaa intaas ku dartay in ay soo gaareen warar sheegaya in askariga darajada hoose ah iyo sarkaalka taliyihiisa ahaa uu muran dhex maray kadibna uu askariga Bitsoolada ka dafay sarkaalka isla markiina uu rasaas ku dhuftay.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ku badan dalka Kenya, iyadoo Askarta ay dilaan Saraakiisha ka sar sareysa, marka ay wada murmaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300