Published On: Sun, Jun 26th, 2016

Khasaarihii ka dhashay Weerarkii Hotel Naaso Hablood oo kordhay


Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 ruuxna wey ku dhaawacmeen weerar xoogan oo shalay galinkii dambe lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood one ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.Weerarka oo socday muddo Saacado ah ayaa markii dambe dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay soo afjartay weerarkaasi.

Dadka goobta ku dhintay ayaa u badnaa dad shacab ah oo goobta maraayey sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Dadka ku dhintay Hotelka Naasa hablood waxaa la sheegay in ay kujireen askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ,ilaaladii hotelka, dad shacab ah oo goobta maaraayey , sidoo kale dadkii ganacsiyada ku heystay xarumaha kasoo horjeeda Hotel Naaso Hablood oo ay ka mid tahay kaalin shidaal gubatay.

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dad badan dhaawacyo oo hada lagu dabiibaayo halkaas sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa la sheegaya in uu ku jiro dhaqtar Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano Muqdisho kasoo lagu magacaabo Dhaqtar Ducaale shihiid oo aabihiis horay ugu dhintay Qarax ka dhacay hotelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300