Published On: Sat, Jun 25th, 2016

Warbixin: Howl-galka Hotel Naasa-Hablood oo la soo afjarey iyo Khasaaraha Weerarka.

nasa

Howlgalkii ciidamada ammaanka ee ka socday Hotelka Naasa-hablood One ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd la shaaciyay in lasoo afjaray iyadoo gebi ahaan la dilay  dableydii gudaha u gashay Hotelka.

Saraakiisha ciidamada  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo gabagabeynta weerarka ay fuliyeen dabley ka tirsan ururka Alshabaab.

Hay’adda NISA oo howlgalka hogaamineysa ayaa ku warramay in ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan Hotelka. Waxaa Hotelka caawa booqday madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa gaaraya in ka badan 10 ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Dr. Shahiid oo lagu magacaabo Dr. Ducaale Shahiid, nin magaciisa lagu sheegay Dr. Ayaanle, saddex kamida shaqaalaha Hotelka iyo dadweyne dhowr ah oo ka ag dhowaa Hotelka marka qaraxu dhacay.

Dhinaca kale, Raadiyaha Goobjoog FM oo ka mid ah Idaacadaha ka howl gala magaalada Muqdisho  ayaa  goor dhow shaacisay in saddex ka mid ah shaqaalaheeda  ay ku weysay (ku geeriyoodeen) weerarkii Hoteelka Naasa Hablood lagu qaadey.

Shaqaalahani oo ilaalo ka ahaa gaari uu leeyahay Maamulka Idaacadda ay ku dhinteen weerarkii Hotelkaasi.

Maamulka Goobjoog FM ayaa sheegay in la helay meydad ay ku jiraan sadexda ka mid ahaa shaqaalaha Goobjoog oo ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Hotelkam waxayna magacyadooda ku sheegeen:

Gaani Axmed Cabdulle

Maxame Nuur Daahir

iyo Sahal Ibraahim Faarax.

nasa1 nasa2 nasahablod1-768x445 nasahablood

Wixii ku soo kordha Waan idin soo gudbineynaa.

 

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho, Soomaaliya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300