Published On: Sat, Jun 25th, 2016

DEG DEG: Qarax labaad oo goor dhow dhacay iyo Rasaas ka socota Hotelka Naasahablood

Muqdisho20150124

Rasaas culus ayaa ka socota hotelka Naasahablood, kaasoo is weydaarsanayaan Ilaalada Hotelka iyo dableydii weerartay, iyadoo daqiiqado ka hor uu dhacay qarax labaad oo aad xooggan.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in qarax xooggan lagu weeraray Hotelka Naasahablood 1 ee ku yaalla Isgoyska KM4, balse ma sheegin in dabley hubeysan ay gudaha ugu jiraan.

Al-Shabaab ayaa goor dhow qoraalo ay soo dhigeen baraha Internet-ka ee taageera ayaa waxay ku sheegteen mas’uuliyada weerarka Hotelka Naasahablood.

Goob joogayaal ku sugan degmada Waabari ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas culus oo la is weydaarsanayo.

Qaraxa hore iyo qaraxa labaad ayaa u dhaxeysay illaa 40-daqiiqo, si rasmina looma oga khasaaraha uu geystay.

Waxaa ay qaraxyadan ka dhacaya Muqdisho ku soo aadeeyeen, iyadoo saacado ay ka harsan yihiin xilliga afurka, waxaana Isgoyska Km4 uu ahaa mid aad u mashquul badan xilliga qaraxa uu dhacayay.

Kala soco wararkeena dambe.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300