Published On: Sat, Jun 25th, 2016

Beelaha Banaadiriga oo labo xubin laga siiyay Aqalka sare

JeylaniNurIkar20150928_2

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa isku raacay in labo xubin laga siiyo Aqalka sare Beelaha banaadiriga ah, iyadoo wali aan la isku raacin matalaad dhab ah oo Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee SONNA in labo xubin la siiyay Beelaha banaadiriga ee dega magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in tani ay tahay guul.

Hase ahaatee beelaha kale ee Gobolka Banaadir ayaa wali wax xubin laga siin Aqalka Sare, walina Madaxda Madasha iskuma soo hadal qaadin maqaamka ay yeelaneyso magaalada Muqdisho, iyadoo go’aanadii horay loo soo saaray uu dhigayay in la sameeyo guddi lixdan cisho ka soo shaqeeya maqaamka Muqdisho, kaasoo aan wali la magacaabin.

Aqalka sare oo horay uga koobnaa 54 xubnood ayaa hada waxaa hada lagu kordhiyay labo xubnood, kaasoo noqonaya 56 xubnood.

Madaxda Madasha Wada-tashiga oo haatan ah kuwo ay ka go’do talada dalka ayaa go’aanada ay gaaraan loo arkaa kuwo ay danahooda ka arkaan, iyagoo afgambiyay Baarlamaanka Federaalka oo aheyd hey’adii sharciyeyn laheyd go’aanada ay madaxda soo saaraan.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha wada-tashiga qaran maalintii Arbacadii ka furmay Muqdisho, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed ku aadan qorshaha doorashooyinka sanadkan iyo hirgelintiisa.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300