Published On: Fri, Jun 24th, 2016

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

taliyaha-ciidanka-xoogga-dalka
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo howlo shaqo ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Uganda, isla markaana uu kaga qeybgalay shirar looga hadlayay arrimaha ciidamada ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa shir guddoomiyay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee dalalka Afrika, kaasi oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, loogana hadlayay qodobo ay ka midyihiin isbadalka howlwadeenada shirkaasi sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Shir looga hadlayay waqtiga ay dalka uga baxayaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyo sida ciidamada xoogga dalka ay ugu diyaar garoobayan inay la wareegaan guud ahaan Nabadgelyada dalka ayuu Taliyaha Ciidanka xoogga dalka uga qeb galay dalka Uganda, kaasi oo ay isugu yimaadeen saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socotay dalalka taageera ciidanka AMISOM.

Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin la wareeggidda guud ahan amniga, isla markaana uu ku rajo weynyahay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300