Published On: Fri, Jun 24th, 2016

Daawo Sawirrada: Dugsi sare oo laga dhisay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud


Wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug ayaa gudiga waxbarashada deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ku wareejisay  Iskuul sare oo dhismihiisa la soo gabangabeeyay.Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Galmudug , kormeerayaal ka tirsan wasaarada, maamulka deegaanka Baxdo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay munaasabadda wasaaraddu ku wareejinaysay dhismaha Iskuulkan sare oo ay maalgalisay USAID.

Xasan Salaad  Sabriye Xoghayaha arrimaha bulshada magaalada Baxdo ayaa sharaxaad ka bixiyay qaybaha Iskuulkan uu ka koobanyahay, kuwaas oo kala ah 4-fasal, 2-xafiis iyo 8-musqulood, dhul baaxad wayna oo uu ku fadhiyo.

Jaamac Cali Salaad oo ka tirsan gudiga waxbarashada magaalada Baxdo ayaa sheegay in dhismaha Iskuulkan uu wax badan ku soo kordhinayo waxbarashada magaalada, iyadoo aradada dugsiyada sare oo horay meel dayacan wax ugu baran jiray ay hadda helayaan meel ku haboon waxbarashada.

Axmednuur Cusmaan Cali agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhismaha Iskuulka sare ee Baxdo uu ka mid yahay mashruux iskuulo badan looga dhisayo degmooyin badan oo Galmudug ah.

Dhismaha Iskuulka sare ee magaalada Baxdo ayaa ka mid ah mashaariicda hormarineed ee sanadkan hirgalay, kaas oo wax wayn ka taraya baahiyada waxbarasho ee deegaanka.

DSC0010 DSC00106

DSC00403

DSC00415

DSC00407

DSC00104

Maxamuud Cabdi Diirshe Cadaado

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300