Published On: Thu, Jun 23rd, 2016

Mareykanka oo Ciidamo ka hortaga Al Shabaab u tababaraya Dalka Kenya

enya

Saraakiisha Ciidamada Cirka ee Dowladda Mareykanka ayaa bilaabay in Ciidamada Kenya ay u tababaraan sidii loo soo badbaadin la haa Ciidamada go’doosama markii lagu qaado Weerar xoogan Xarumaha ay ku sugan yihiin.

Tababarkan oo ay bixinayan Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (Africom) ayaa waxaa qaadan doona in ka badan 200 oo Askari.

Xoghayaha Wasaarada Difaaca ee Kenya, Haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa tababarka Ciidan ka furtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nanyuki ee Dalka Kenya.

Xoghaye Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Ciidamada Kenya ay wax badan ka faa’ideysan doonaan tababarkan ay bixinayaan Saraakiil ka socota Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa tababarkan waxey ku micneysay mid u muhiim u ah soo badbaadin Askari kasta oo go’doonsama markii Xarakada Al Shabaab ay weerareen Xarumaha ay ku sugan yihiin Xoogaga Kenya.

Dhinaca kale, Safiirka Mareykanka u fadhiya Dalka Kenya, Robert Godec ayaa waxuu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu ka dardaarmay horumarinta Hay’addaha amaanka ee Dowladda Kenya.

Danjire Robert ayaa waxuu xusay in Madaxweyne Obama uu dardaarankan jeediyay sanadii la soo dhaafay xili uu booqasho ku yimid Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Safiirka ayaa intaasi waxu ku daray in tababarkan uu tusaale wanaagsan u yahahy wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Difaaca ee Dalka Kenya iyo Ciidamada Cirka ee Dowladda Mareykanaka.

Ugu dambeyn, Ciidamo ka socda Dalka Uganda ayaa ka qeyb gali doona tababarkan ka bilaawday Garoonka Diyaaradaha ee Nanyuki ee Dalka Kenya maadaama Ciidamada Uganda ay qeyb ka yihiin howlgallada lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

SHABELLE.NET

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300