Published On: Wed, Jun 22nd, 2016

Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Puntland oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

WAR-DEG-DEG-AH2Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayan in xalay Magaaladaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Maamul Goboleedka Puntland.

C/laahi Maxamed Faarax, Isu duwihii Gobolka Mudug ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah Puntland, ayay rag hubeysani ku toogteen xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Masuulkan, ayaa waxaa la dilay xilligii Salaadda Taraawiixda laga tukanayay Magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay baxsadeen raggii dilay oo aan heybtoodu la garanayn.

Ciidamada ammaanka oo buuxiyay goobtii lagu dilay Sarkaalkan, ayaa waxay ka sameeyen hawlgal, inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin cid ay dilkiisa u soo qab qabteen.

Maamulka Puntland, ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo, mana jirto cid weli sheegatay masuuliyadda dilkaasi.

Horaantii bishan Ramadan, ayay ahayd markii Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland, Dhudi Yuusuf.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300