Published On: Wed, Jun 22nd, 2016

Puntland oo ka hadashay Sarkaalka lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

puntland

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, Xasan Maxamed Khaliif, ayaa faah faahin ka bixiyay dil xalay Magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Allaha u naxariistee C/laahi Maxamed Faarax, oo ahaa Isu duwihii Gobolka Mudug ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Puntland.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in masuulkaasi lagu dilay halka loo yaqaano Warshad Galley, oo ka tirsan xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay ka dambeysay dilka Sarkaalkan, isagoo intaa ku daray in dilka ka dib ay ka baxsadeen Warshad Galley. Dilkan ayuu sheegay in uu dhacay xilligii Salaadda Taraawiixda laga tukanaayay Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Ciidamada Puntland ay gaareen halka lagu dilay C/laahi Maxamed Faarax, balse sida uu sheegay ma jirto cid dilkaasi ay u soo qab qabteen.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo la hadlay Idaacadda Daljir, ayaa hoosta ka xariiqay inaanan la garanayn waxa ay yihiin ragga dilka gaystay, marka laga soo taggo in la ogyahay inay ahaayen laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd.

Mar la weydiiyay sida uu yahay dareenkooda ku aadan dilka Sarkaalkan, ayuu sheegay inay ku taamayan sidii ay wax kaga bedeli lahaayen amniga Waqooyiga Gaalkacyo.

Horaantii bishan Ramadan, ayay ahayd markii Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland, Dhudi Yuusuf.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300