Published On: Wed, Jun 22nd, 2016

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay Gobolka Gedo

diyaarad

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ku garaacay deegaano hoostagga Degmadaasi.

Duqeyntaan oo dhacday Xalay saqdii dhexe iyo saaka Waaberigii ayaa la sheegay inay fuliyeen Diyaarado dagaal oo dadka ay ku sheegeen in laga leeyahay dalka Kenya.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay Diyaaradaha xalay saqdii dhexe inay dhowr gantaal soo rideen, kadibna saaka aroortii ay soo noqdeen oo gantaalo kale ay soo rideen.

Waxa ay sheegayaan dadka Diyaaradaha goobaha ay duqeymaha ku garaacayso inay ku tuhmayaan xubno ka tirsan Al Shabaab inay ku dhuumaaleysanayaan.

Dad shacab ah ayaa la sheegay Duqeymaha inay Khasaare kala duwan ka soo gaareen, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac ay jiraan oo Duqeymahaasi ka dhashay.

Ilaa hada ma cadda in Diyaaradaha fuliyay Duqeymahan laga leeyahay dalka Kenya, iyadoo sidoo kale si rasmi ah aanan loo ogeyn cida ay ku bartilmaameedsanayeen Duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Xoogaga Shabaab ayaa Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxa ay ku beegsadeen xubno ka tirsan ciidamada Kenya, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 5 Askari oo Kenyan ah, kadib garneel ay ku dhufteen gaarigii ay la socdeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300