Published On: Tue, Jun 21st, 2016

Booliska Kenya oo toogtay nin Shabaab ka tirsan oo aad loo doon doonaayay

kenyaBooliska dalka Kenya ayaa sheegay inay dileen nin Shabaab ka tirsan oo muddo aad loo doon doonaayay, kaasi oo lagu dilay Magaalada Kwale ee dalka Kenya.

Howgal qorsheysan oo ciidamada Booliska dalka Kenya ay ka sameeyeen Magaalada Kwale ayaa lagu dilay ninkaan Shabaabka ka tirsan, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Francis Wanjohi.

Taliye Wanjohi ayaa waxuu xusay in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 3 kale oo watay Qaraxyo kuwaasi oo la socday Mooto, waxuuna intaasi ku daray in ay baaritaano kala duwan ku socdaan.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay dadka la soo qabtay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Idiris Aadan kaasi oo muddo dheer ciidamada Booliska Kenya ay raadinayeen.

Eedeysane Idiris Aadan ayaa la sheegayaa in uu tababaro kala duwan ku soo qaatay xarumo tababar oo Al Shabaab ay ku leeyihiin Dalka Somaliya, waxaana Booliska ay intaasi ku dareen in uu dib ugu soo laabtay Kenya si uu u fuliyo Weeraro qorsheysan.

Booliska waxa ay sheegayaan raggaan la soo qabtay in looga shakisan yahay inay fuliyeen weerar dhawaan ka dhacay Magaalada Kwale oo lagu dilay Sarkaal Kenyan ah oo horay Shabaab uga tirsanaan jiray, balse Shabaabka ka soo goostay.

Dilka Sarkaalkaan Shabaab ka tirsan iyo qabashada Afartaan ruux ee kale ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Shalay Duleedka Magaalada Mandheera lagu dilay Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300