Published On: Mon, Jun 20th, 2016

Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Degmada Mahadaay

amiso
Wararka laga helayo Degmada Mahaday ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Qarax Xoogan lagu beegsaday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo marayay Degaano ku teedsan Degmada Mahadaay.Qaraxan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay la socdeen Xoogaga AMISOM waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Degaanada Ceelbaraf iyo Caadleey oo hoostaga Degmada Mahadaay.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu khasaaro burburleh gaar siiyay Kolonyadii ay la socdeen Ciidamada AMISOM.

Qaraxa kadib ayaa halkaasi waxaa iska horimaad Culus uu ku dhexmaray Xarakada Al Shabaab iyo Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle.

Iska horimaadka labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 1 Ruux waxaana sidoo kale ku dhaawacmay oo dhamaantood lagu sheegay xoolo dhaqato ku sugnaa halka uu Dagaalka ka dhacay.

Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo kala baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab iyo kuwa AMISOM oo ku aadan Qaraxaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300