Published On: Mon, Jun 20th, 2016

Labo Askari oo lagu dilay Suuqa Xoolaha

askeri
Xoogag hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, waxa ay ku dileen labo askari oo ka tirsaneyd ciidamada Dowladda.Labadan Askari ayaa lagu dilay halka loo yaqaan Biyo dageenka Xaafada Suuqa Xoolaha, kadib markii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan si gaadmo ah Askartaan ay ku dileen.

Ragga Shabaabka ka tirsanaa ee dilay labadaan Askari ayaa watay Bistoolado, waxaana ay beegsadeen mar kaliya labadan Askari oo meel ku wada sugneyd.

Al Shabaab ayaa sheegtay labada Askari ee ay dileen inay dhibi jireen dadka ku nool Xaafada Suuqa Xoolaha, sidaasi awgeedna ay u beegsadeen.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen howgalo, iyaga oo meydka labada Askari halkaasi ka soo qaaday.

Xaafada Suuqa Xoolaha oo u kala qaybsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, ayaa ah goobta ugu badan ee ay ku sugan yihiin Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabab ee dilalka qorsheysan ka geysta Muqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300