Published On: Mon, Jun 20th, 2016

Francisco Madeira: “Qaxa ugu badan ee Dadka Soomaalida waxaa u sabab ah Al-shabaab

1424634
Wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM Francisco Madeira, oo ka hadlayay maalinta Qaxootiga Adduunka ayaa Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ku eedeeyay in xasaradaha Nabad la’aanta iyo Qaxootiga badan ee Soomaaliya ay iyaga mas’uul ka yihiin.Francisco,oo xiganayay Warbixinta Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ee ahayd in Sanadkan uu Qaxootiga Adduunka sare u kacay ayaa waxaa uu Xarakada Al-shabaab ku sheegay in ay mas’uul ka yihiin dagaallada iyo Barakaca badan ee ka dhacay Soomaaliya.

Waaliddiinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aysan Carruurtooda u ogolaan ku biirista Xarakada Al-shabaab,waxaana uu intaa ku daray in AMISOM oo kaashaneysa Dowladda Soomaaliya ay ku taaganyihiin Waddadii ay uga adkaan lahaayeen Xarakada AL-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Maalinta Qaxootiga Adduunka ayaa Maanta 16 jirsatay Waxaana Qaramada Midoobey ay maalintan Rasmiyan ugu dhawaaqday 20kii Juun Sanadkii 2000.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300